Ubax Cabdiraxmaan Oo Dib Loogu Celiyey Xabsiga Ka Dib Rafcaan Ay Qaadatay Xeer-Ilaalintu

14/03/2026

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa saaka xukun ku ridday Ubax Cabdiraxmaan, iyadoo ku xukuntay hal (1) sano oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan laba milyan oo Somaliland Shillings (2,000,000 SLSH).

Si kastaba ha ahaatee, xeer-ilaalinta ayaa rafcaan ka qaadatay xukunkaasi, taas oo sababtay in Ubax Cabdiraxmaan mar kale loogu celiyo xabsiga inta laga go'aaminayo rafcaanka.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin kala duwan oo ka imanaysa bulshada iyo bahda sharciga. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada ku sheegay in sii haynta Ubax ay tahay mid aan caddaalad ahayn. Waxa uu yidhi:

"Waxa sii daysay maxkamaddii dacwadeeda haysay kadib markii xukun soo baxay oo xadhigii loogu beddelay ganaax. Waxa intaas ka dambeeya waxa lagu hastaa waa gar-darro."

Sidoo kale, xisbiga siyaasiga ah ee KAAH ayaa cambaareeyey xadhiggaasi, iyagoo ku tilmaamay faro-gelin lagu sameeyey nidaamka garsoorka iyo mid ka hor imanaya mabda'a caddaaladda.

Dhanka kale, qareenadii u doodayey Ubax Cabdiraxmaan ayaa sheegay in sii daynteeda laga hor istaagay inkasta oo ay sheegeen in ay hore u bixiyeen ganaaxii lagu riday. Qareenadu waxay intaas ku dareen in ay wateen waraaqihii sharciyeed ee sii deynta, balse aan la tixgelin, iyada oo lagu wargeliyey in dacwadda laga qaatay rafcaan.

Bulshada qaarkeed iyo xubno ka tirsan bahda sharciga ayaa ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida garsoorka iyo habraacyada sharciga, isla markaana si cad loo waafajiyo nidaamka dacwad-qaadista iyo rafcaanka.

Share