War murtiyeedka xeerka badda Somaliland
29/03/2026

WAR-MURTIYEED
Magaalada Hargeysa – 29 March 2026
Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) oo Door Muhiim ah ka Qaatay Naaqishaada iyo Dhammaystirka Xeerka Badda Somaliland 2026
Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) ayaa door muuqda oo aqoon-baadhiseed ku dhisnaan ka qaatay hannaanka dib-u-eegista Xeerka Badda Somaliland 2026. Tallaabadan ayaa timid kaddib kulan heer qaran ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, kaas oo ahaa wejigii ugu dambeeyey ee hubinta mashruuca sharcigan ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka dalka.
Kulankan oo socday muddo laba cisho ah, waxa ka soo qayb galay madaxda wasaaradaha ay khuseeyo, hay'adaha dawladda ee xidhiidhka la leh arrimaha badda, khubaro sharciyeed, iyo hoggaanka Ururka Qareenada Somaliland. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd naaqish xirfadaysan iyo ka-talo-bixin kama dambays ah, si loo xaqiijiyo in Somaliland yeelato xeer casri ah oo la jaanqaadaya nidaamka caalamiga ah ee badaha.
Kaalinta Sharci ee Ururka Qareenada SomalilandUrurka Qareennada Somaliland (SOLLA), isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta, saxidda, iyo tayeynta xeerarka qaranka, wuxuu kulanka ka soo bandhigay falanqayn sharci oo qoto dheer. Ururku wuxuu xaqiijiyey in Xeerka Badda Somaliland uu si buuxda u waafaqsan yahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo heshiisyada caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS).
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), ayaa si weyn ugu mahadceliyey Ururka SOLLA doorka aqooneed iyo talo-bixinta wax-ku-oolka ah ee ay ku kordhiyeen tayeynta xeerkan oo laf-dhabar u ah qaranka.
Muhiimadda Xeerka CusubIskaashiga dhex maray Ururka Qareenada Somaliland iyo Wasaaradda Gaadiidka wuxuu muujinayaa ahmiyadda ay leedahay wada-shaqaynta hay'adaha dawladda iyo ururrada madax-bannaan ee sharciga si loo ilaaliyo danaha qaranka. Xeerkan cusub wuxuu fursado waaweyn u furayaa:Kobcinta Maalgashiga: Soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah ee dekedaha dalka.
Amniga Badda: Xoojinta nidaamka ilaalinta iyo difaaca biyaha Somaliland.
Kheyraadka Badda: Horumar dhaqaale oo ku salaysan ka faa'iidaysiga cilmiyaysan ee kheyraadka badda.