UNDP Officials Visit SOLLA
We are pleased to announce a recent visit from officials of the United Nations Development Programme (UNDP) at the Headquarters of SOLLA on the 26th of November 2025. This event was very positive and symbolizes our ongoing collaboration and commitment to global development initiatives.
Somali
Garyaqaan Xasan Cali Xasan ayaa maanta ku qaabilay xarunta ururka qareenadda Somaliland saraakiil ka socday Haayada UNDP Qaybta ROLS.
Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta labada hayaydood ee SOLLA iyo UNDP iyo sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada tayeynta cadaaladda iyo adeegyada sharci ee dalka.
Mudaddii lagu guda jiray kulanka waxaa Ururka Qareenadda Somaliland uga warbixiyay saraakiisha UNDP howlaha ballaadhan ee uu ka wado guud ahaan dalka.
Sidoo kale, waxaa kulanka si qoto dheer lagaga wada hadlay qorsheyaasha istaraatiijiga ah ee ururku mudnaanta siinayo sanadaha soo socda, kuwaas oo lagu dari doono Qorshaha Cusub ee UNDP Rule of Law Programme ee seddexda sano ee soo socda.

