KU: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND, MUDANE C/RAXMAAN MAXAMED CABDILLAAHI (CIRRO)
Mudane Madaxweyne,
Anigoo ku hadlaya magaca Ururka Qareenadda JSL, adigoo sharaf iyo maamuus naga mudan waxaan halkan si kooban hawada kuugu soo marinayaa in Degreetadii magacaabista ahayd ee Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland ee aad ku magacowday maanta oo taariikhdu tahay 07/04/2026 xubnaha Komishanta Nidaaminta Tamarta Somaliland.
Mudane Madaxweyne, sida uu dhigayo Xeerka Tamarta Korontada Somaliland (Law No: 81/2018 Qodobkiisa 6aad Faqrada 2aad, Xarafka (X): in 7 xubnood ay ka kala imanayaan daneeyeyaal kala duwan ama hay'ado kala duwan, oo uu kamid yahay Ururka Qareenadda Somaliland oo soo xulaya Khabiir sharci oo aqoon iyo waayo aragnimo buuxda u leh talobixinta sharuucda tamarta.Xubinta Ururka muhiimadiisu waxay tahay inuu kala taliyo soona diyaariyo dhamaan shuruucda iyo xeernidaamiyaha iyo xeer hoosaadyada kala duwan ee Komishanku ku shaqaynayo.
Hadaba, Mudane Madaxweyne, anigoo og in ay kaa go'antahay oo aad gudanaynso waajibkaaga kaa saaran ku dhaqanka iyo ilaalinta sharciga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan qoraalkan kooban ee aan hawada soo marinayo kaaga codsanayaa: Inaad dib u saxdo Degreetadaasi magacaabista xubnaha Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland oo aad waafajiso Qodobka 6aad Faqradaha (2, 4, 5, 6, 7) iyo Qodobka 10aad (5)( iyo Qodobka 12aad ee Xeerka Tamarta Korontada JSL (Law No: 81/2018).
Ugu danbey, Madaxweyne waxaan kaa rajaynayaa in adigoo mahadsan sixitaankaagu xoojin doono daryeelna u noqon doono habka ku dhaqanka sharciga—(Rule of Law); Komishankuna u noqdo mid sharci ku dhisan oo bulshadiisa si hufan ugu adeega.
WABILLAAHI TOWFIIQ
Gudoomiyaha Ururka Qareenadda Somaliland
Garyaqaan: Xasan Cali Xasan (Banfas)________________________
