Kalmadii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee

12/03/2026

Kalmaddii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ka jeediyay kalmad dhiirrigelin iyo wacyigelin ah kulankii afur-wadareed ee kulmiyay bahda caddaaladda iyo garsoorka. Hadalkiisa ayaa diiradda saaray xoojinta kalsoonida shacabka ee hay’adaha garsoorka, ilaalinta madax-bannaanida maxkamadaha, iyo kor u qaadista anshaxa iyo hufnaanta shaqada garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee caddaaladda. Wuxuu xusay muhiimadda wada-shaqaynta xeer-ilaalinta, qareennada, booliska iyo hay’adaha kale ee amniga si loo helo nidaam caddaalad oo degdeg ah, cadaalad ah, kana fog eex iyo musuq. Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyay bahda caddaaladda in ay noqdaan tusaale daacadnimo, isla xisaabtan iyo u adeegid bulsho, isaga oo carrabka ku adkeeyay in kalsoonida shacabka ay tahay tiirka ugu weyn ee nidaamka garsoorka.

Share