Hambalyo Ciidul Fidriga
19/03/2026

Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Somaliland munaasabadda Ciidul Fidrig.
Ciidani waa fursad lagu xoojinayo midnimada, caddaaladda iyo wada noolaanshaha bulshada. Waxaan sii wadi doonaa horumarinta nidaamka cadaaladda iyo adeegyada qareennimo.
Ilaahay ha naga aqbalo camalka suuban, hana ka dhigo mid nabad iyo barwaaqo leh.
Aamin

