Dardaarankii Afur-Wadareedka Caddaaladda: kalmadii Gudoomiyaha Ururka Qareenada JSL Gar. Xasan Cali Xasan
Afur-wadareedkii kulmiyey bahda caddaaladda iyo garsoorka waxa lagu xusay muhiimadda ilaalinta cadaaladda, daahfurnaanta iyo masuuliyadda shaqo. Dardaaranku waxa uu xoogga saaray in garsooruhu ka sarreeyo eex, qabiil iyo dano gaar ah, isla markaana uu ku shaqeeyo sharciga oo keliya. Waxaa la adkeeyey in la dhowro anshaxa garsoorka, sirta dacwadaha iyo karaamada muwaadiniinta. Sidoo kale, waxaa lagu boorriyey wada-shaqayn dhow oo ka dhexaysa garsoorka, xeer-ilaalinta, qareennada iyo hay’adaha kale ee amniga, si loo helo nidaam caddaalad oo lagu kalsoonaan karo. Ugu dambayn, dardaaranku wuxuu ku celceliyey in caddaaladdu tahay tiirka nabadda iyo horumarka, isla markaana qof kasta oo ka tirsan bahdan uu masuuliyaddeeda shakhsi ahaan u qaato.
kulankan oo ay uga qayb galeen xubnaha hogaanka ururka iyo qareeno kale, waxaa hadal kooban ka jeediyey Gudoomiyaha Ururka Qareenada Jsl Garyaqaan Xasan Cali Xasan kaas oo ujeedadiisuahay doorka Qareenada ku leeyihiin sum-cada Garsoorka
