Afurka Bahda Caddaaladda JSL

11/03/2026

Kulanka Afurka Bahda Caddaaladda iyo garsoorka: kalmadii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada JSL 

Afur-wadareedkii bahda caddaaladda iyo garsoorka waxa lagu xusay muhiimadda ilaalinta cadaaladda, daahfurnaanta iyo masuuliyadda shaqo ee hay’adaha garsoorka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda JSL ayaa  xusay in sumcadda garsoorku si dhow ugu xidhan tahay Garyaqaanka oo ah iskuxidhaha garsoorka iyo bulshada, taas oo u baahan anshax, xirfad iyo wadashaqayn joogto ah.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxa la adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo wada shaqaynta wasaaradda, maxkamadaha, xeer-ilaalinta iyo Garyaqaannada si loo hubiyo in muwaadin kastaa helo garsoor hufan oo cadaalad ah. Kulanku waxa uu noqday madal lagu dhiirrigeliyo isla-xisaabtan, lagu falanqeeyo caqabadaha jira, isla markaana lagu dejiyo tallaabooyin lagu horumarinayo adeegyada caddaaladda ee dalka. Ugu dambayn, Agaasimaha Guud waxa uu ku boorriyey bahda caddaaladda in ay noqdaan tusaale wanaagsan oo lagu daydo, kana shaqeeyaan ilaalinta kalsoonida shacabka ee nidaamka garsoorka.
wuxuu intaa ku daray in Wasaaradda Cadaalada JSL diyaar u tahay wada-shaqaynta ururka qareennada  Somaliland 

Share